September 12, 2020 | Posted by admin

Boliiska Soomaaliya ayaa ka hadlay geber shalay  Lagu Kufsaday Muqdisho, waxuuna Boliiska uu soo saaray Qoraal.

Hoos ka akhriso Qoraalka Boliiska.

Shalay 11/Sep/2020, abaare 14:00pm duhurnimo ayaa Saldhiga Boliiska Degmada Waaberi, waxaa Soo gaaray warbixin ku saabsan meedka gabar la dilay, gudaha Degmadaas gaar ahaan guri dabaq ah oo ku yaala Waaxda #Maajo in laga Soo tuuray  Marxumad #Xamdi #Maxamed Faarax ina Hooyo Nadar Caraale Culusow, 19 jir ah ku dhalatay #Ceelbur dagan Degmada #Deyniile, Marxuumada ayaa ka mid aheyd dhalinyaradii dhawaan gashay Imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Sarre ee sanadkaan kuna baastay.

Meesha uu Kiisku marayo.

Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, oo ka duulayo warbixintaas ayaa goobta tagay. Isla markaasna marsiiyay nadaamka lagu maamulo goob danbi ka dhacay, waxaan biloownay baarista, aruurunta cadeymaha iyo gacan ku dhigista eedeysanayaasha oo aan gacanta ku hayno ilaa 4 #Eedeysane, waxaa socota baaris qoto-dheer, waxaana si dhaw Ummadda ula wadaagidoonaa natiijada Baarista oo dhameystiran.

Ugu dambeyn Waxaan Ummadda Soomaaliyeed, u cadeynaynaa in ay socoto baaristu dhawaana aan natiijada la wadaagidoonno, qof kasta oo ay ku cadaatana aan Cadaalada horleenidoonno, hadii alle idmo.

COMMENTS