April 3, 2021 | Posted by admin

Saadaq Joon ayaa si rasmi ah loo hoos geeyay Boliiska ka howlgala garoonka Aadan Cadde, waxaana horey ukala madax bannaanaa Boliiska Garoonka iyo kan Gobolka Banaadir.

Taliyaha Boliiska Gobalka Banaadir Saadaq joon ayaa La Hoosgeeyay Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho, sida ku cad Warqad Maanta Lagu baahiyay Baraha Bulshada.

Maalmihii la soo dhaafay Waxaa aad Loo Hadal hayay in Saldhiga Boliiska Gobalka Banaadir La Hoosgeeyay Taliska Boliiska Gobalka Banaadir, Balse Taliyaha Boliiska Soomaaliya ayaa dhawaan Hadalkaasi Beeniyay.

Warqad Ay heshay warbaahinta ayaa Lagu Cadeeyay in Taliska Boliiska Gobalka Banaadir La Hoos geeyay saldhiga Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

COMMENTS