March 21, 2021 | Posted by admin

Saaxiibada Caalamka waxay soo dhaweynayaan imaatinka kaqeybgalayaasha shir madaxeedka Dowlada Federaalka iyo Hogaamiyaasha Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo lagu qaban doono aagga la ilaaliyo ee Gegida Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee Muqdisho.

Waxaan ku boorineynaa inay si dhakhso leh u shiraan ayna muujiyaan hogaamin iyagoo ka amba-qaadaya soo-jeedintii Gudiga Farsamada ee Baydhabo si loo hirgeliyo hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember, iyadoo aanu jirin dib-u-dhac.

Waxaan sidoo kale dhiirigelinaynaa la-tashiyada lala yeelanayo saamilayda kale sida dhinacyada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo sharci-dajiyeyaasha muhiimka ah si loo dhageysto aragtiyadooda loona xaqiijiyo in geedi-socodka doorashada uu helo taageero ballaaran.

Nooma muuqato wax kale oo lagu beddeli karo laguna hirgelin karo hannaanka doorashada ee 17kii Sebtember iyadoo la raacayo jadwal si dhaqso leh u hirgala si loo qabto doorashooyin nabdoon, loo wada dhan yahay, xor, xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo.

Saaxiibada caalamku ma taageeri doonaan geedi-socod aan loo dhamayn ama mid barbar-socod ah, ama dadaalo horseedaya kordhinta muddo xileedyadii horay u jiray.

COMMENTS