November 24, 2020 | Posted by admin

Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa shir qadka Internetka kula yeeshay wakiillada beesha Caalamka oo fadhigoodo yahay Xalane, waxaana ay kala hadleen xaaladda Soomaaliya gaar ahaan doorashooyinka.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa u cadeeyay xubnaha beesha Caalamka welwelka ay ka muujinayaan guddiga doorashooyinka dadban ee xukuumada Soomaaliya ay soo dhistay.

Waxaa ay sidoo kale tilmaameen in ay u soo bandhigeen in xubnaha guddigaasi in ay noqon Karin kuwa dhexdhexaad ah oo maamula doorashada.

Shirka Musharrixiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta galay maalintii Afaraad ayaa waxaa lagu casuumay Culumaa’uddiinka Soomaaliyeed, haweenka, dhalinyarada iyo ganacsatada waxaana laga dhageystay taladooda, waxaana lala wadaagay dareenka ay qabaan Musharrixiinta.

Musharaxiinta xilka Madaxweynaha ee ku shirsan Muqdisho ayaa sidoo kale gudoomiye u doortay Shariif Sheekh Axmed, Afhayeenka Guddiga ayaa loo doortay Ridwaan Xirsi halka xogheynta guddiga loo doortay Xuseen Cabdi Xalane.

COMMENTS