September 7, 2020 | Posted by admin

Waxaan maanta ka qaybgalay xaflad martiqaad soo dhoweyn ah loogu sameeyey Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland. Xafladda oo ay u joogeen madaxweynayaal hore oo heer Federaal iyo Dawlad Goboleed, Xildhibaano, Senataro, Haween iyo xubno bulshada rayadka ah oo ka soo jeeda Muqdisho ayaa la isku dhaafsaday fariimo siyaasadeed oo muhiim ah. Waxaan u mahad celinayaa madaxweyne Cali Mahdi Maxamad oo gogosha fidiyey.

Kulankaan oo Lagu qabtay Hotelka Doorbin waxaa aad Looga hadlay arimaha siyaasada waxaana Madaxdii Goobta Ka Hadlay ka mid ah Madaxweyne dani oo Dowladda ku dhaliilay in Muqdisho aysan ka jirin Amni iyo nadaafad.

Axmed madoobe Madaxweynaha Jubbaland waxuu si gaar ah ugu mahad-caliyay Madaxweyne Cali Mahdi oo lahaa qaban qaabada Gogosha soo dhaweynta ah.

Xasan Shiikh maxamuud Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya ayaa aad ugu dheeraaday Xaalada siyaasada Soomaaliya waxa uuna sheegay inay Muhiim tahay in Laga faaloodo siyaasada iyo Doorashooyinka Dalka.

Kulankaan ayaa imaanaya xilli Muqdisho la isku mari la’yahay shir dhexmara Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Jubbaland iyo Puntland

COMMENTS