May 7, 2016 | Posted by daacad yare

Banaanbaxayaal xoogan ayaa manta ka dhacay magaalada garoowe ee xarunta u ah maamul goboleedka soomaliyed ee puntiland.

Dibadbaxayadan ayaa waxaa ay ka danbeeyee kadib markii sare ukac xoogan laga dareemay qiimaha lagu sarifo lacagta doolarka ee suuqyada magalada garoowe.

Waxaa dibad baxayaasha soo abaabulay ganacsatada suuqa INJI layiraahdo oo kamida suuqyada garowe.

Waxaa wararka qaar ay sheegayaan in la xiray qaarkamida dibad baxayaasha.

Halkii doolar ayaa waxaa suuqyada garoowe uu ka gaaray qiimo dhan 30 oo shilling soomaali ah halka markii hore lakala siisan jiray 22-23 kun oo shilling.

Maamulka puntiland ayaa ku jahwareersan sidii ay xal buuxa ugu raadin lahaayeen sicir bararkan gilgilay suuqyada deganada maamulka puntiland.

Wixii kusoo kordhaa dhawaan filo.

COMMENTS