June 10, 2020 | Posted by admin

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay amniga xaaladda Magaalada Baladweyne ee Gobalka Hiiraan oo Maanta lagu waday in lagu qabto Banaanbax lagu taageri lahaa Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Farmaajo, hayeeshee la joojiiyay.

Taliyaha qeybta Booliska Hirshabeele ee Hiiraan Korneyl Cali dhuux Mahad Alle oo la hadlay warbaahinta ayaa marka hore uu ka hadlay Banaanbixii ka dhici lahaa, waxaana uu sheegay in banaanbax uusan Maamulka ka war aheyn aan la  qaba karin.

Waxaa uu sheegay in Taliye Cali dhuux in cidii maamulka iyo laamaha amniga fasax uga heysata Banaanbax inay Magaalada ku qaban karo, hayeeshee aan marnaba la ogolaan doonin in dadka magaalada la isugu soo bixiyo amar la’aan.

Sidoo kale Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Hiiraan ayaa waxaa uu sheegay in Ciidanka amniga ay Magaalada Baladweyne ka bilaabeen howlgal looga hortego falalka amni darro, isagoo xusay in  cidii lagu soo qabto fal dembiyeed sharciga la horgeyn doono.

Dhinaca kale Guddoomiye ku-xigeenka amniga Gobolka Hiiraan Maxamed Meryris Iraaq ayaa isna dhaqnkiisa sheegay in Magaalada Baladweyne ay ku jiraan gaadiid sida qaraxyo, isla markaana Ciidanka amniga ay ku raad-joogaan sidii loo soo qaban lahaa.

Gaba-gabadii Guddoomiye Maxamed Meyris ayaa waxaa uu tilmaamay in fal kasto oo amni darro ah ay Ciidanka ka hortegi doonaan, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga.

COMMENTS