March 11, 2017 | Posted by admin

magaalada Jowhar Waxaa Xalay lagu weeraray Madaxtooyada Maamulka Hirshabeelle Bam-gacmeed waxaana la sheegayaa in bam lagu tuuray Madaxtooyada dowlad goboleedka Hirshabeelle halkaa oo uu maqribnimadii Xalay ay gaareen madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble iyo Ku xigeenkiisa.

Bamka oo laga maqlay inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar ayaa waxaa xigay rasaas la riday hase yeehee ma jirto wax qasaare ah oo uu geystey bamkan.

Xilligii uu dhacayay bamkan ayaa la sheegay in Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Cosoble uu kulamo la lahaa qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Hirshabeelle.

Saaka waxaa Halkaa ka soconaya Howlgallo ay wadaan Ciidamada Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle.

Maxamed Daacad Muqdisho.
[email protected].

COMMENTS