September 26, 2020 | Posted by admin

Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku Meel mariyay  Heshiiska siyaasadeed ee doorashada dalka ee dhawaan Lagu saxiixay Madaxtooyada Soomaaliya.

 252 Xildhibaan ayaa ogolaatay, 2 ayaa diiday 1 Xildhibaan ayaana ka aamusay sida uu shaaciyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS Maxamed Mursal.

Kulanku waxuu ahaa mid wadajir  ah oo udhaxeeyay Aqalka sare iyo aqalka Hoose waxaana si wadajir ah ugudoominayay Gudoomiye Mursal iyo Cabdi xaashi Cabdullahi.

Xildhibaanada Golaha shacabka Qaarkood ayaa si kulul uga hadlay Dhacdooyinka uur ku taalada dhaliyay ee Ciidamada kenya ay ka gaysanayaan Qeybo ka mid ah Gobalka Geddo.

COMMENTS