September 13, 2022 | Posted by admin

Maamulka Galmudug ayaa noqotay Maamul gobaleedkii afaraad ee sameysta Muddo Kordhin waxaana maanta Baarlamaanka Galmudug ay sameeyeen Muddo Kordhin.

Golaha Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Kulan ay yeesheen ku meel-mariyey in muddo xileedka Golayaasha Dowladda Galmudug laga dhigo muddo 5 sano ah

Iyadoo ka dhigan mudo xiledka madaxwenaha Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor iyo Barlamaanka in ay noqon donan mudo 5 sano ah.

waa Maamul gobaleedkii Afaraad ee sameeya muddo kordhin, waxayna kordhiyeen Mudada xilheynta Iyadoo laga dhigay min 5 sano.

Jubbaland ayaa dhowaan hal sano ku darsatay, halka Maamulada Hirshabelle iyo Koofur Galbeed min hal sano horay ugu darsadeen xilligii Xukuumaddii hore.

Jubbaland waxaa dhawaan Muddo KORORSI sameeyeen ka soo horjeedstay masuuliyiin ka soo jeeda Jubbaland, waxaana sidoo kale la ogeen jawaabta ay siyaasiinta Galmudug ay ka bixin doonaan Go’aanka Galmudug mudada Loogu kordhiyay

COMMENTS