September 12, 2020 | Posted by admin

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Argagixisadu ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay  dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.

Madaxweynaha ayaa Sarakiisha Ciidamada Darawiishta ka dhagaystay natiijada howlgalka ka socda wadada xiriirisa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow isagoo amaanay sida Ciidamada geesiyada ah ay u naafeeyeen Argagixisada.

Gaba gabadii Madaxweynaha waxaa uu sheegay in howlgalada ka dhanka ah Kooxda banaysatay dhiiga Shacabka ay sii socon doonan Ciidamada amaanka Magaalooyinkana looga baahan yahay inay kasoo dhalaalan masuuliyada sugida nabadgalyada.

                              

COMMENTS