June 19, 2015 | Posted by admin

Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya, Nicholas Kay, ayaa Khamiistii gaaray Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ee Magaalada Kismaayo, isagoona kula kulmay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

8bdfc6fe

Wakiilka iyo xubno kale oo la socday, ayaa gawaarida gaashaaman looga kaxeeyay Garoonka Axmed Gurey, iyadoona loogu galbiyay Xarunta Madaxtooyada Magaalada Kismaayo.

Labada dhinac oo kulan ku yeeshay Madaxtooyada waxay kaga hadleen khilaafka soo kala dhexgalay Dowladda iyo Maamulka Jubbaland, waxaana leesku afgartay in laga wada shaqeeyo xal u helidda khilaafka.

Dhinacyadan, ayaa sidoo kale isku waafaqay in Jubbaland ka soo qaybgasho shir daba yaaqada bisha Luulyo, ay yeelanayaan Madaxda Dowladda Federalka Somaliya, Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka. Shirkaasi waxaa looga hadli doonnaa hiigsiga sanadka 2016.

Axmed Madoobe iyo Nicholas Kay oo gaba gabadii kulankooda Saxaafadda la hadlay, ayaa ka warbixiyay waxyaabihii ay kulankaasi kaga hadleen.

 

 

 

Axmed Madoobe, ayaa balanqaaday inay samayn doonaan wax kasta oo lagu gaari karo, marxalad ka wanaagsan midda Somaliya ay maanta ku jirto. Wuxuu kaloo soo dhaweeyay in baaq la isugu keeno Madaxda Dowladda Somaliya iyo Jubbaland.

Nicholas Kay, ayaa sheegay Axmed Madoobe inuu aqbalay Magaalada Kismaayo inay yimaadeen guddi uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, si ay u xaliyaan buuqa ka dhashay soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland.

COMMENTS