April 27, 2014 | Posted by admin

Sida lagu daabacay Wargayska Observer ee ka soo baxa dalka Uganda Dowlada Uganda ayaa sheegtay in ay baaritaano ku hayso warar sheegaya in askarta Uganda ee loo soo diro dalka Soomaaliya si ay uga qayb qataan howlgalka AMISOM laga qaado lacago laaluush ah oo u dhaxeeya ilaa 500,000 ilaa 1 Million oo shilinka Uganda ah.

Warbxinta ayaa lagu sheegay in askata Bixinaysa lacagahaasi aadka u badan ay rumaysan yihiin in lacagta laga qaadanayo mid ka badan ay ka helayaan howlgalka AMISOM hadii ay fursad u heleen in ay ka mid noqdaan.

Wargayska Observer ayaa sheegay in la waydiiyay Afhayeenka Ciidamada Uganda Lt Col Paddy Ankunda, waxa ka jira eedaymahan soo baxaya waxa uuna sheegay in arintaasi ay baaritaano ku wadaan ayna tahay arin dambi ah oo cid kasta oo lagu helo xarig ay ku mutaysan doonto cadaaladana la horkeeni doono.

“Waynu ku wadnaa baaritaan, walina ma jiro wax nooga soo baxay oo cadaymo ah waxaana ka dalbanaynaa cid kasta oo arintaan wax ka og in ay nagu caawiyaan baaritaanka aan wadno ”.Sidaasi waxa yiri Afhayeenka Ciidamada Uganda Ankunda.

Uganda oo ah wadankii ugu horeeyay ee ciidamo u soo dira dalka Soomaaliya ayaa waxa ay Askartiisa iyo Saraakiishoodaba wajahayaan fadeexado la xariira Musuq Maasuq, iyadoo ay xusid mudantahay in horay loogu eedeeyay in sahayda iyo hubka Ciidamada loogu talagalay ay suuq madow ku iibsadaan Hogaamiyasha Ciidamada.

Waxa sidoo kale maalmo ka hor lagu eedeeyay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Uganda in ay tababar siyeen Dagaalyahano Xarakada Shabaab ka tirsan, iyadoo dhawaan Saraakiil Ciidamada Uganda ee Soomaaliya ka soo shaqeeyay oo Maxkamad lagu soo taagay Magaalada Campla ee xarunta Uganda lagu eedeeyay in ay askarta Uganda ee Soomaaliya joogta ay u diiden in u adeegsadaan dagaalka ay AL-Shabaab kula jiraan baabuurta Taangiyadda dagaalka ayna sababtay arintaasi in ay khatar gasho Nolasha Askar badan oo Ciidamada Uganda ka tirsan.

Arimahan oo dhan ayaa imaanaya xili dhawaan Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM gaar ahaan Ciidamada Burindi ay shaaca ka qaaday arin dad badan ay aaminsanayen iyadoo sheegtay in aysan doonayn in dagaalka lagula jiro Xarakada Shabaab uu dhamaado iyadoo u sababaysay in hadii ay ka guulaystaan AL-Shabaab ay waayayso lacago aad u badan oo bil kasta ay Mushaar ahaan ugu qaadato howlgalka dowladaha Midowga Africa ay Soomaaliya ka wadan ee AMISOM x, sahabeele

COMMENTS