June 30, 2014 | Posted by admin


Muqdisho – Rag hubeysan ayaa maanta askari ka mid ahaa ciidanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ku toogtay suuqa Khliifa oo qeyb ka ah suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in askariga ay dhowr xabbad uga dhacday qeybta sare ee jirkiisa.

Raggii dilka geystay ayaa lagu soo warramayaa in ay baxsadeen. Ciidamada ammaanka ayaa baaritaanno ka wada goobta uu dilka ka dhacay. Lama garanayo sababta iyo cidda ka dambeysa dilka askariga, waxaase loo badinayaa Alshabaab.

Waa askarigii 4-aad ee magaalada Muqdusho lagu dilay wax ka yar 24 saac tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan ee Ramadaanka.

Qarax manta ka dhacay Suuqa Kaaraan ayaa lagu dilay lagu labo qof oo rayid ah, waxcaana lagu dhaawacay 7 qof oo kale.

Alshabaab ayaa sida muuqata ka dhabeeyey hanjabaado ay horay u jeediyeen oo la xiriiray iney bisha Ramadaan Mqudisho ka geysanayaan weeraro dheeraad ah.

COMMENTS