June 30, 2020 | Posted by admin

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada Soomaaliya uu qof Shacab ah ku dilay gudaha Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Waabari ee dhuusamareeb sida ay sheegeen dadka dhuusamareeb.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Askariga dilka geystay uu ka tirsan Ciidanka Booliska ee ka howlgalla Magaalada Dhuusamareeb.

Dilka ayaa yimid ka dib markii muran soo kala dhexgalay Askariga iyo Qofka Shacab ah ee la dilay.

COMMENTS