July 18, 2020 | Posted by admin

Arday tiradoodu ay ka badan tahay 34kun oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayaa maanta u fariisanaysa imtixaanka shahaadiga ee dugsiga sare.

Imtixaanka oo ay soo diyaarisay wasaarada waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowlada federalka ayaa waxaa uu ka dhacayaa maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug, Koofurgalbeed,Jubbaland iyo gobolka Banaadir.

Dowlada Federalka ayaa dhowrkii sano ee u dambeysay waday imtixaan isku mid ah inay ardaydu galaan balse ardayda ku sugan Puntland ayaa waxaa imtixaanka u diyaariya maamulka Puntland iyadoo khilaaf uu ka jira sidii ay ardaydaasi u heli lahaayeen shahaadada ay bixiso dowlada federalka.

Xarumaha Imtixaanka lagu galaayo ayaa waxaa la geeyay Ciidamo loogu tala galay in ay suggaan Ammaanka xarumahaasi iyo kormeerayaal loogu talo galay inay ilaaliyaan Imtixaanka,kuwaas oo qaarkood ka socda Wasaaradda Waxbarashada

COMMENTS