October 20, 2020 | Posted by admin

Ayax fara badan ayaa ku Habsaday Deegaano Hoostaga Degmada Galcad ee Gobalka Galgaduud, waxaana la sheegayaa inuu aad usaameeyay Dalagyadii Beeraha iyo dhirta intaba.

ayaxaan oo aad utira badan ayaa saameeyay Deegaano Hoostaga Degmada galcad oo ay ka mid yihiin Deegaanka Ceelhareeri, Baraag shiikh Caamir Dhulka kicinka ah ee Caliyoow iyo Gooba kale oo ay ku yaalaan dhul Beeralay ah.

Dadka Deegaanka ayaa sheegaya in Saaka uu ku fiday dhul kale oo dhanka Koofur kaga beegan Deegaanka Ceelhareeri waxaana Laga cabsi qabaa inuu gaaro Gobalka Sh/Dhaxe.

Ayaxaan ayaa sidoo kale Goobihii shalay uu ku habsaday waxaa Lagu arkayaa Anyax aad u waaweyn oo Dul heehaabaya Deegaano dhowr ah, waxaana la maqlayaa risaas ay ridayaan Shacabka.

COMMENTS