January 23, 2021 | Posted by admin

Saddex ruux oo labo ka mid ah ay yihin odayaal ayaa saaka lagu diley magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Labo oday ayaa kooxo ku hubeysnaa Bustoolado waxa ay ku dileen Suuqa weyn ee Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Labada oday ee la dilay ayaa lagu kala Magacaabi jiray Axmed Muxumud Aadan iyo Axmed Sheekh Cabdullaahi Fiqi Cumar.

Dadkii ka dambeeyay dilka labadan oday ayaa baxsaday iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay ka dambeysay dilkaas.

Dhinaca kale askari ka tirsanaa ciidamada Dowlada Hoose ee minishiibiyada ayaa lagu dilay degmada Wadajir, gaar ahaan isgoyska Korontada.

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa dilay askarigaas oo lacago canshuurta ah ka uruurinayey gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ee isticmaala wadadaas.

Dilalka qorsheysan oo ay geystaan Kooxaha ku hubeysan bustooladaha iyo miinooyinka nooca dhulka lagu aaso ayaa noqday kuwo si joogta ah uga dhaca magaalada Muqdisho.

COMMENTS