October 19, 2010 | Posted by Duhur

Hay’adda xuquuq aadanaha ee Amnesty international ayaa warbixin ay soo saatray ku sheegay in dhibaato iyo xad gudub xad dhaaf ah ay ka taagan tahay gobolada dhexe iyo kuufurta Soomaaliya

Waxa ay sheegtay in ku tumasho xeerka caalamiga ah ee ban’aadanimada ay ka taagan tahay deegaano badan oo magaalada Muqdisho iyo goobo kale oo dagaalo ay ka jiraan.

Warka ka soo baxay Amnesty international ayaa lagu xusay in qatartu ay tahay dilka dadka oo sare u kacay dhaawaca jiifa Cisbitaalada weerada joogtada ah ee shacabka lala beegsanayo deegaanada ay ku nool yihiin

Waxaa sidoo kale war saxaafadeedka Amnesty lagu xusay in qalalaaso iyo burburka sharciga oo dumey ay camimtay Soomaaliya.

Dhibaatooyinka la sheegay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah afduubka qalqalka iyo silaca ka jiro goobo badan oo maleeshiyaad aan u tababareyn la dhaqanka dadka ay xoog ku joogaan.

Dhanka kale UNHCR ayaa sheegtay in qiyaastii 200,000 ay barakiciyeen dagaalada aan dhamaadka lahayn ee kooxaha nabad diidka ah ka wadaan gudaha dalka.

Waxay sheegtay in 1.4m ay hadda dalka gudahiisa barakac ku yihiin halka 68,000 dhowaan loo diiwaan geliayay qaxootinimada wadamada Soomaaliya deriska la ah.

Tan iyo markii kooxaha dagaalada Soomaaliya ay ku dhawaaqeen dagaalo aan dhamaad lahayn ayaa dhibaatada ugu badan waxaa dhaxalkoodu noqday burburka iyo barakaca shacabka ay dagaalada ka dul bilaabeen , waxaana taas ay meesha ka saartay rajadii ummadda ee ku aadaneeyd in ay guryahooda dib ugu laabtaan.

COMMENTS