September 8, 2020 | Posted by admin

Wararka ka imanaya magaalada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ay saaka aroortii weerar ku qaadeen qeybo ka mid ah degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaal xoog leh ayaa la sheegay inuu ka dhacay bartamaha magaalada iyadoo dagaalkana uu sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa u suurtogashay inay la wareegaan xaafado ka mid ah magaalada, balse wararkii u dambeeyay ayaa sheegaya inay kabaxeen magaalada.

Balcad ayaa Muqdisho kaga beegan dhanka waqooyi waxayna ujirtaa 30 KM, in kastoo ay ka mid noqotay waayihii dambe goobaha aan la isku halayn karin amnigeeda.

COMMENTS