October 7, 2016 | Posted by admin

Al-shabaab, ayaa sheegtay inay ka dambeeyeen mas’uul weerarkii ay ku dhinteen lixda qof ee ee Degmada Mandera ee Woqooyi-bari dalka Kenya laga qaaday Habiin Hore.

Saraakiisha Amniga Kenya, ayaa horay u sheegaya in dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay  weerar ku qaadeen guri ay deggen yihiin dad kasoo jeeda gobollada kale ee Kenya oo aan Soomaali ahayn.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Cali Roba ayaa warbaahinta u sheegay inay hubaan in Al-shabaab ay ka dambeysay weerarkaas khasaaraha badan gaystay.

Isagoo intaas ku daray in dad kale oo guriga la weeraray deggenaa la badbaadiyay, kaddib markii laamaha amniga Kenya ay u soo gurmadeen.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo iyaguna la Hadlay Warbaahinta ku hadasha Afka alshabaab ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, ayna ku beegsanayeen xubno aan muslim ahayn oo ku sugnaa Magaalada Mandheera ee Dalka.

Alshabaab ayaa dhowr jeer weerara ku qaaday Dalka kenya waxa ayna horay usheegeen in weeraradaasi ay wadaayaan inta ciidamadooda ay ka baxayaan soomaaliya.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS