November 28, 2016 | Posted by admin

Degmada Mahaday ee Gobalka Shabeelaha dhaxe waxaa xalay Dagaal kusoo qaaday Ciidamada ka tirsan alshabaab waxaana la sheegay in mudo kooban ay gacanta ku hayeen Mahaday qayb ka mid ah sida ay inoo sheegeen Maamulka degmada.

Gudoomiya Ku xigeenka Dhanka Maamliyada degmada Mahaday ee Gobalka sh/dhaxe Maxamed Bashiir Qaasim Daqare ayaa usheegay wabsitka ku hadla afka Maamulka Hirshabelle oo lagu magacaabo Hirshabeele.net, in alshabaab ay degmada weerar ku soo qaadeen Xalay Fiidkii islamarkaana ay Muda dhan 20 Daqiiqo ay gacanta ku haayeen saldhiga Degmada Mahaday.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ciidamada dowlada soomaaliya ay ka dib iska caabiyeen daba deedna laga saaray alshabaab Degmada mahaday sida uu hadalka udhigay.

Dagaalkaasi waxa uu sheegay Daqare in uu ku dhaawacmay Askari ka tirsan Ciidamada dowlada soomaaliya oo ka mid ahaa askartii dagaalka qaybta ka aheed.

Alshabaab ayaa xiliyada qaar weerar ka gaysta deegaanada ay gacanta ku hayaan Dowlada soomaaliya waxa uuna sheegay Xildhibaan Daqare oo ah gudoomiye Ku xigeenka dhanka Maaliyada in hada la adkeen doono amniga degmada mahaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in xiligaan ay wadaan ciidmada dowlada soomaaliya Howl-galo ka dib dagaalkii xalay halkaasi ka dhacay.

Maxamed Daacad Muqdisho.

COMMENTS