September 27, 2021 | Posted by admin

Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Magalada Muqdisho ku geeriyooday Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi muriidi dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis), kaas oo malmihii la soo dhaafay ku xanuun sanayay Magaalada Muqdisho.


Maamulka Tv-ga Universal Xaruntiisa Magalada Muqdisho oo uu kamid ahaa howl-wadeenadiisa aya xaqiijiyay geerida Ajakis, kas oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Isbitaal ku yaal Magaalada Muqdisho.

Cabdi muriidi dheere ( Ajakis) ayaa, isaga oo ku sugan Hooygiisa waxaa todobaadkii hore kusoo booday xanuun dhanka Sambabada ah, kaas oo ugu dambeyn uu Maanta u geeriyooday.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya iyo siyaasiyiin magac ku leh dalka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Majaajiliistihii Caanka ahaa ee Cabdi muriidi dheere oo loo yaqaanay ( Ajakis).

COMMENTS