June 20, 2015 | Posted by admin

Ugu yaraan saddex ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Al-Shabab ku qaadeen degaanka Mukayga ee magaalada Afgooye.

Saraakiisha dawladda ee Afgooye ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay soo weerareen saldhiggaasi 2-dii habeennimo.

Afar baabuur oo ay lahaayeen ciidanka halkaasi ku sugnaa ayay qabsadeen ururka Al-Shabab.

Cabdullaahi Maxamed Xaaji Cali oo ah Taliye Ku Xigeenka Booliska ee Afgooye ayaa sheegay in ciidanku ay dib usoo qabsadeen laba ka tirsan baabuurtaas.

COMMENTS