August 19, 2010 | Posted by Duhur

Maamulka gobolka Shabeelaha hoose ee xarakatul-shabaab almujahidiin ayaa maanta shaaca ka qaaday in beesha Janaale oo ka tirsan gobolkaasi ay tababar ugu soo gaba gabeeyeen ciidamo kamid ahaan doono maamulkooda.
Waaliga wilaayada gobolka Shabeelaha Hoose Abuu cabdalla oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in tababarkaasi ay usoo gaba gabeeyeen rag isugu jira dhalinyaro, macalimiin iyo ganacsato kuwaasi oo ka qeyb qaadanaya sugidda amniga gobolka.
Waaliga ayaa sidoo kale sheegay in tababar midkaa lamid ah ay ka furen degmada baraawe, isagoo shaca ka qaaday in markan ay usoo jeesteen tayeynta ciidamada amaanka gobolka.
Ma ahan markii ugu horeysay oo maamulkaasi uu tababar usoo xiro ciidamo hoos taga.

COMMENTS