April 2, 2021 | Posted by admin

Labo kulan oo saraakiisha AMISOM iyo UN-ka ee qaabilsan sugitaanka Amniga shirka berri ay si gaar gaar ula kala yeesheen saraakiisha Amniga Madaxtooyada iyo kuwa Jubbaland iyo Puntland ayaan wali si rasmi ah looga heshiin qaabka loo sugayo amniga teendhada madaxdu ku shireyso iyo qolo kasta tirada ciidan ama dharcad loo ogolyahay.

Waxaa socda dadaalo ay wado AMISOM oo la isugu keenayo labada kooxood ee kala mataleysa Madaxtooyada iyo labada Dowlad goboleed si berri subax hore looga heshiiyo qaabka ugu habboon ee amniga gudaha loo sugi karo, iyadoo si guud looga mideysan yahay in amniga guud ay AMISOM la wareegto.

Waxyaabaha la isku hayo waxaa ka mid ah in tirada dharcada sugeysa amniga madaxda iyo tirada Hab maamuusyada taas oo aan wali la isla meel dhigin.

COMMENTS