June 21, 2020 | Posted by admin

Madaxweyne Farmaajo ayaa shalay xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yuusuf.

Kulankan ayaa ka looga hadlay arrimo kala duwan oo ku quseeya xaaladaha guud ee dalka, Arrinta qaban qaabada Shirweynaha Beesha Mudullood oo Imaamku iclaamiyay inuu dhici doono 27-ka bisha Soonfur oo ku beegneyd 13-kii bishan June, balse arrimo farsamo dib ugu dhacay.

Warar ayaa sheegaya in Madaxtooyadu walaac badan ka qabto shirkaas iyo abaabulkiisa oo maalmahan ka socda Muqdisho, iyadoo xubno isugu jira Mas’uuliyiin dowladda ka tirsan iyo siyaasiyiin kale oo beesha ka mida ay wadaan isku day lagu carqaladeeynayo shirkaas.

COMMENTS