October 23, 2021 | Posted by admin

Dagaalkii Gurceel oo soconayay Muddo 12 saac ka badan Ayaa Dowladda iyo Maamulka Galmudug waxaa Lagu gaarsiiyay Khasaare Kala duwan.

1 Laba Xidigle Aadan ibraahim Aadan oo ah Taliyaha Horinta 3aad ee Ururkaas 5aad ee GorGor Ayaa la Sheegay in dagaalka Gurceel uu ku dhintay.

2 Taliyaha Ciidanka Danab ee Galmudug Abdiladiif Faafle Ayaa ku dhintay Dagaalkii Maanta Degmada Gurceel ka dhacay

3 Saraakiisha dhaawacmay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamada Haramcad ee Galmudug Sarkaal Lagu Magacaabo qasaaye Ayaa dhaawac Culus ka Soo gaaray Dagaalkii Gurceel

4 G/Le Maxamed Dhagaweyne Taliyaha Ururka 5aad Ee komandooska Gorgor Ayaa asna dhaawacmay

Wararka Ayaa intaa ku daraya in Askarta iyo Saraakiisha Dhaawaca ah ay Kor u dhaafayaan 20 ruux wilina Lama Haayo Qasaaraha dhabta ah ee Dhimashada iyo Dhaawaca La xariirta

Dhinaca kale Ahlusuna waxaa Jira Khasaare soo gaaray waxaana dhankooda ka dhintay Saraakiil Badan sida Wararku sheegayaan

COMMENTS