October 26, 2021 | Posted by admin

Culumada Ahlusunna ayaa War-saxafadeedka Kasoo saaray Xaalada Cakiran ee galmudug gaar ahaan Degmada Guriceel oo Maalintii Afaraad Dagaalo ay ka socdaan.

ASWJ ayaa sidoo kale sheegay in ay aqoonsan yihiin Jiritaanka Dowlad goboleedka Galmudug, islamarkaana ay Soo dhaweenayaan wax walba oo xal ah.

Waxay sidoo kale Soo dhaweeyeen Baaqee ka Soo yeeray Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha waxayna sheegeen in ay aqbalayaan baaqyada dadka Soomaaliyeed ee ku saabsan In La Joojiyo Colaada Degmada Gurceel ka Taagan.

Beesha Caalamka ayay ugu baaqeen in Gurmad Deg Deg ah lala gaaro dadka Ku Barakacay Colaada iyo Dagaalada Degmada Gurceel ka Taagan oo ay ku Barakaceen Kumanaan dad ah.

COMMENTS