June 23, 2015 | Posted by admin

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa waxay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Magaalada Dhuusamaeeb dhigtay gogol, ay Maamul Goboleed ugu soo samaynayso Gobolada Galgaduud, Mudug iyo qayb ka mid ah Hiiraan.

Gogoshan, ayaa waxaa ka qaybgalaaya ergo isaga kala timid Goboladaasi iyo ergo kale, oo Ahlu Sunna ay sheegtay maalmaha soo socda inay ku soo wajahan yihiin Xarunta Gobolka Galgaduud ee Magaalada Dhuusamareeb.

Kulan loogu gogol xaaraayay gogoshan oo Isniintii lagu qabtay Magaalada Dhuusamareeb, ayuu Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan kaga dhawaaqay Maamulka ay Ahlu Sunna u soo dhisayso Gobolada Dhexe.

Sheekh Maxamed Shaakir oo ah Ku Simaha Gudoomiyaha Guddiga Golaha Fulinta ee Ahlu Sunada Gobolada Dhexe, ayaa ku waramaaya gogoshan inaanay carqalad ku ahayn cid gaar ah, aan ka ahayn inay dadka deegaanka ku dhisanayaan Maamul Goboleed, sida uu yiri.

Sheekh Maxamed Shaakir, ayaa afka ku ballaariyay goobaha Ahlu Sunna ay ka joogto Gobolka Hiiraan, inay ku soo biirinayan Maamul Goboleedka ay u samaynayaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, sida uu sheegay.

Ahlu Sunada Gobolada Dhexe oo bartamihii bishaan ka hortimid saami ay Dowladdu ka siisay Shirka Magaalada Cadaado, ayaa taasi bedelkeeda go’aansatay inay iyana dadka deegaanka u soo dhisto Maamul Goboleedka kan Cadaado ka dhan ah

COMMENTS