June 10, 2015 | Posted by admin

Saddex urur goboleed oo Afrikaan ah ayaa lagu wadaa in ay sameystaan suuq xor ah oo noqonaya kan ugu weyn qaaradda.
Urur goboleedka hormarinta bulshada Koonfurta Afrika (SADC), kan hormarinta bulshada Bariga Afrika (EAC), iyo COMESA, ayaa la filayaa in maanta ay dalka Masar ku saxiixdaan heshiis ay ku sameysanayaan urur ay ku mideysan yihiin.
In ka badan 600 oo milyan oo dad Afrikaan ah, ayaa la rajeynayaa in ay ka faa’iideystaan marka la hirgeliyo heshiiskan sanadka 2017-ka.
Saraakiisha ganacsiga ee kulanka ku leh dalka Masar ayaa ku dadaalaya sidii ay ku dhameestiri la haayeen heshiiska, oo la sheegayo in uu diyaar u noqon doono saxiixid maanta oo Arbaca ah.
Kaddib marka maanta la saxiixo heshiiska ayaa waxaa la hor geyn doona kulan madaxeedka Midowga Afrika ee dabayaaqada toddobaadkan ka dhici doona dalka Koonfur Afrika.
Marka lasoo gebagebeeyo heshiiskaan, suuqa xorta ah ee Afrika ayaa noqon doono kan ugu weyn ee ay qaaraddu yeelato, ayna ku mideysan yihiin 26 dal.
Ujeedka ayaa ah in meesha laga saaro caqabadaha ganacsi ee hortaagan inta badan alaabaha u kala gudba dalalka Afrika, oo qiimahooda lagu qiyaasay lacag dhan hal bilyan oo doolar.
Si kastaba, heshiiska ayaa u baahnaan doono in ay ansixiyaan baarlamaannada dalalka xubnaha ka ah ka hor inta aan la meel marin.
Arrinta isdhexgalka gobolada Afrika ayaan ahayn mid cusub.
Nus qarnigii lasoo dhaafay dowladdaha Afrika ayaa ka xaajoonayay sidii ay u xoojin la haayeen isdhexgalka gancsi ee qaaradda.
Waddooyinka aan wangaasaneyn, jidadka tareenada iyo shirkaddaha diyaaradaha oo liita ayaa caqabad ku ah isu socodka alaabaha ganacsi ee qaaradda.
Sidoo kale dalal badan oo Afrika ku yaalla ayaa difaaca wax soo saarka warshadahooda yaryarka ah .
Marka ilaa iyo inta laga helayo kaabayaal dhaqaale oo hormarsan iyo ganacsi tartan ku saleysan, ayaa waxaa adkaan doonto faa’iidada laga heli doono heshiis lagu saxiixay Masar

COMMENTS