September 5, 2010 | Posted by admin

 Saxafiyadda caanka ah ee soomaaliyeed Aamino Muuse Wehliye islamarkaana ka howl gasha idaacadda BBC-da laanteeda afka soomaaliga ayaa xiratay Asay ay sabab uga dhigtay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ka taagan dalkeeda hooyo ee Soomaaliya.

Aamino ayaa sheegtay in ay xirnaaneyso Asaydaasi (marada cad ee madaxa u saaran) inta uu dalkeeda hooyo ee Soomaaliya nabad ka noqonayo ama ay ka dhimaneyso.

Saxafiyaddan ayaa magaalada London ka bilowday olole la magac baxay HANGASHO kaasoo baaraarujinaya nabad kusoo dabaalidda Soomaaliya.

Aamino ayaa ka hadashay sababaha ku kalifay in ay saxaafadda hor timaado iyadoo Asay xiran islamarkaana u ololeyso nabadda Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in taasi ay ku kaliftay dhibaatada iyo dagaalada aan dhamaadka laheyn ee ka taagan dalkeeda.

Waxa ay sheegtay in uu xaq ku leeyahay dalkeeda oo uu maanta u baahan yahay, iyadoona hal la qabsi ka dhigatay “Inta nabadi dhalaneyso ama aan ka dhimanayo dhigi maayo Asayda”.


Asayda Aamino ayaa kusoo beegmeysa xilli ay qurbaha ku xirtay 10-sanadood, iyadoona maalinkii ay kasoo tagtay dalka ilaa iyo maanta uusan wax isbadal ahi ka dhicin bal in uu kasii daro mooyee.

Waxgaradka, fanaaniinta, aqoonyahanada, dhakhaatiirta, saxafiyiinta iyo qeybo kaloo badan ayaa iminka u muuqda kuwo u istaagaya sidii ay gacan uga geysan lahaayeen nabad kusoo dabaalida Soomaaliya, waxaana xusid mudan in qeybahaasi kala duwan ee aynu soo sheegnay ay qaarkood mar horeba u hureen naftooda nabadda Soomaaliya.

 

Duhur News “Allow Aamino iyo Dhamaan Soomaali Nabad Geli”

 

 

COMMENTS