May 7, 2021 | Posted by admin

Aabahan oo lagu magacaabo Xasan Cabdullahi waxaa Roobabkii Muqdisho ugu geeriyooday 5 Caruur uu dhalay (Afar wiil iyo hal gabar)

Isagoo dul taagan qabriyada caruurtiisa ayuu yiri “Inaa lilaahi wa inaa ileeyhi raajicuun. Ilaaheey ayaa mahad iskaleh. Caruurteeyda anigoo arkaya ayey geeriyoodeen”

“Midba mar ayan biyaha ka raadinayay. Somalida ayaa iga caawiyay inaan meydkooda helo. Alxamdulilaah allah ayaa mahad iskaleh” ?

Aabe Xasan waxaa qabsatay dhacdo rabaani ah, oo aad u xanuun badan. Qof dareen leh ayaa ka damqanaya. Ugu duceey in badal qeer qaba alle siiyo.

Xaafada Buula xuubey ee Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir ayay dhacdadaan ka dhacday ka dib Markii Roobab Mahiigaan ah ay ka da’een Muqdisho.

Mohmed Hussein Daacad.

[email protected]

COMMENTS