July 1, 2015 | Posted by admin

Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay ayaa xala y lagu qabtay xarunta gobolka Banaadir ee magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb galay madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, raysul wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarka, xubno ka tirsan labad gole ee dowladda iyo marti sharaf kale.
3C081039-EA99-4320-8DB4-2B128D919FBC_w268_r1

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay munaasabadda ayaa hambalyo ku aaddan 55-guurada maalinta xorriyadda Soomaaliya u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan ka codsaday inay midoobaan oo ay garab istaagaan dowladnimada.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladda hadda jirta uu xilligeedu ku egtahay sanadka dambe islamarkaasna ay u taallo shacabka Soomaaliyeed mas’uulka ay xilkaasi u dhiibi doona ama ay ka codsan doonaan kuwa hadda jooga in ay xilka sii hayaan.

Dhinaca kale Sidoo kale munaasabadda Kowda Luulyo ayaa xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan shacabka Soomaaliyeed ku booriyey in loo midoobo sidii maleeshiyada ururka Shabaab dalka looga sifeyn lahaa.

Sidoo kale magalooyin badan oo ku yaalla gobollada Soomaaliya ayaa si weyn looga xusay munaasabadda kowda luulyo oo ah maalintii ay gobollada koofureed xoriyada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga iyo midowgii Koonfur iyo Waqooyi.

COMMENTS